Su’aalaha ku
saabsan dyslexia?
Ilmahayga caawimaad dheeraad ah
ma laga siiinayaa imtixaannada?
Caruurta ay waxbarashadu si gaar ah ugu adagtaahay waxaa
laga yaabaa inay xaq u leeyihiin in imtixaanka waxyaabo
dheeraad ah la siiyo, sida imtixaanada heerka muhiimka ah
(SATs) ama koorsooyinka GCSE/ A levels.
Caadin waqti dheeraad ah ayaa la siiyaa, ama ka caawin aqrinta
su’aalaha iyada oo hadba ku xidhan baahida ilmahaada.
Caawimaadda noocan ah waxaa loo yaqaannaa habaynta galidda.
Habaynta galidda ee gaarka ah waxaa loo baahanyahay in la sii
diyaariyo imtixaanka ka hor, marka la hadal SENCO-ga
ilmahaada si aad u ogaato waxa ay taageero siin karaan.
Ma jiraan kooxo taageero oo aan
kula kulmi karo waalidiin kale oo
arrintan ila qaba?
Iskuullada iyo Dowladaha Hoose ayaa xiriir la leh kooxo
taageero oo ay kugu xiri karaan, ka dalbo macllinkaada
taageero.
Waxaa jira shabakado kala duwan oo taageera waaliddiinta leh
caruurt ay waxbarashadu ku adagtahay, arag xiriirradaanada.
Xiriirro
Xog ku saabsan hab dhaqan wanaagsan iyo taageerada caruurta
iyo da’ yarta qaba Disleksiya:
The Dyslexia-SpLD Trust
01344 381 564 ama info@thedyslexia-spldtrust.org.uk
www.interventionsforliteracy.org.uk
www.thedyslexia-spldtrust.org.uk
Xarunta Disleksiyada ee Helen Arkell
01252 792 400 ama enquiries@arkellcentre.org.uk
www.arkellcentre.org.uk
Kooxaha deegaanka ee taageeridda iyo la talinta:
Jamciyadda Biritishka ee Disleksiyada
Helpline 0845 251 9002 ama helpline@bdadyslexia.org.uk
www.bdadyslexia.org.uk
iyo
Dyslexia Action
01784 222 300 ama info@dyslexiaaction.org.uk
www.dyslexiaaction.org.uk
Waa maxay disleksiya?
Disleksiya hadda si fiican ayaa loo fahamsanayahay, laakiin wali
way jaha wareerin kartaa dadka ay ku dhacdo.
Disleksiya sida badan waxay saamaysaa barashada xirfadaha
aqrinta iyo higgaadinta. Caruurta ay hayso Disleksiya waxaa ku
adkaado isticmaalka foonikiska si ay erayada usoo saaraan;
waxaa ku adag kala googoynta dhawaaqa erayada sida badanna
waxaa ku adkaada xasuusashada wax lagu hadlay, sida waxa la
faro oo kale.
Caruur badan oo qaba Disleksiya ayaa sidoo kale mashaakil ka
haystaa isla socodsiinta xibnaha ama shaqada xisaabeed ama
aruursanaanta iyo ahmiyad siinta. Mashaakilkan ka mid ma aha
Disleksiyaha, laakiin waxay ka qayb qaadan karaan inay ka
dhigaan Disleksiyaha mid ay adagtahay wax ka qabashadiisa.
Disleksiya waa mashaakilka waxbarasho midka ugu badan oo
waxay si ba’an u saamaysaa in ku dhowdhow 10% dadka oo dhan.
Dad badan oo ay hayso Disleksiya aan aad u buurnayn ayaa
iskuulka guul ka gaadhay iyaga oona jirin wax caawimaad ah oo
dheeraad ah oo ay heleen. Dadka ay hayso midda aadka u daran
waxay u baahanayaan taageero joogto ah inta ay iskuulka ku
jiraan.
Sideen ku garanaayaa in ilmahayga
laga yaabo inuu leeyahay Disleksiya?
Sida badan calaamadaha ugu horreeya ee Disleksiya waxay u
muuqdaan sidii mashaakil barasho aqris, qoraal, ama higgaad.
Laakiin mashaakilkan waxaa keeni karo maql ama arag xumo ama
nooca waxbaridda. Haddii meesha laga saari karo arrimahan kale
oo ay dhibaatadiina sii socoto markaa Disleksiya ayay noqonaysaa
sababta ugu dhow ee keenaysa dhibaatooyankan adkaanta
barashada aqriska, qoraalka iyo higgaadda.
Disleksiya waxay sida badan ku timaaddaa hiddo; haddii ay jirto
taariikh higgaadin xumo ama barashada aqriska, waxay u
dhowdahay in ilmaha mashaakilka haystaa ay la xidhiidho Disleksiya.
Waxaa jiro calaamdo hore oo lagu garan karo Disleksiyada xitaa
ka hor inta aan la billaabin wax aqrinta rasmiga ah ee iskuulka.
Waxaa ka mid ah calaamadahan: ina ku adagtahay ilmaha
hooriska; magacyada waxyaabaha oo iskaga qasmo; ku adkaasho
barashada ku dhawaaqa (ama magacyada) xurrufta alif baa’da.
Markuu cabbaar iskuulka ilmaha dhigto ka dib, calaamadaha laga
fiiriyo waxaa ka mid ah ku dhibaatood xasuusashada waxa la faro
iyo guud ahaan inuu u ekaado inuu illowsho badanyahay nolol
maalmeedkiisa; ku dhibaatood xasuushada magaca saxda ah ee
waxyaabaja iyo dadka; hubid la’aan xarakaynta erayada dhaadheer
ku dhibaatood u kala jabinta erayada unugyo yaryar oo dhawaaq.
Maxaan sameeyaa haddaan u
malaynayo inuu ilmahayga
leeyahay disleksiya?
Waxa ugu horreeya ee aad samaynayso waa inaad la hadasho
ilmahaada macallinkiisa. Dugisyada hoose ee waayahan baridda
aqrinta ee hore ee uu ilmo kasta helo waa mid ku habboon
caruurta leh Disleksiya. Hase ahatee macallimiintu waxbay ka
baddali karaan barnaamijka kuna dari karaan haddii uu jiro walwal
– waxaa laga yaabaa inaad ogaato inay horayba u samaynayaan
arrintan. Iskuullada waxay sidoo kale u heli karaan caruurta dib u
dhacdo barnaamijyo dheeraad ah.
Haddii aad wali walwasantahay ama ilmahaada uusan horay u
soconin, markaa ballan la samayso Iskuduwaha Baahiyaha
Waxbarasho ee Gaarka ah (SENCO) ama madaxa iskuulka si aad
ogala hadasho wixii khiyaarro kale jira, oo ay ka mid tahay qiimayn.
Ilmahayga ma baran doonaa
aqriska, qoraalka iyo higgaadda?
Hadday helaan taageero ku habboon, ilamaha disleksiyaha qaba
sida caadiga ah way karaan inay wax aqriyaan, qoraan oo ay
higgaadiyaan; in kasta oo ay waqti ka dheer kuwa kale ku
qaadanayso.
Tiknooloojiyada wax caawisa sida telefoonada xariifyada ah iyo
kumbuyuutarrda gacanta ayaa caruur badan oo disleksiya leh
ku caawiyay ina si wax ku oo ah u xiriiraan.
Sideen ku ogaan karaa inuu
ilmahaygu disleksiya qabo?
Dugsiyada waayahan waxay sameeyeen imitixaanno degdeg ah
oo sahal ah oo ay ku dabagalaan horusocodka ilmaha kuna
ogaadaan calaamadaha hore ee Disleksiya. Haddii ay jiraan
calaamado tilmaamaya inay jiri karto Disleksiya oo aan horumar
wanaagsanna uusan suuro galin, waxaa la smayn karaa
qiimayn uu iskuulka ku samaynayo macallin aqoon gaar ah u
leh ama aqoonyahanka cilmi nafsiga waxbarasho.
Qiimayntan waxay sawir ka bixinaysaa meelahaada ku
fiicanyahay
iyo meelaha uu ku xunyahay, iyo waliba talooyin.